
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay socdaal shaqo oo rasmi ah oo Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macallin uu maanta ku yimid Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa kale oo uu ka hadlay isbedelka dhinaca shaqada ah ee ay ku hawlgalayaan Wakiilada Somaliland ee dalalka dibadda. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, wuxuu sidaasi ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu caawa Siiyay Weriyaha Shabakadda wararka ee Somaliland.Org Cumar Maxamed Faarax, waxaanu sheegay in socdaalka Xoghayaha fulinta ee IGAD uu dalka ku yimid ay tahay fursad weyn isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa saaka socdaal shaqo oo rasmi ah ku yimid Somaliland Wefti uu Hoggaaminayay Xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD Md. Maxbuub Macallin, oo noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee ka socda wadamada urur goboleedka IGAD ee booqasho ku yimaadda Somaliland. Weftiga Xoghayuhu wuxuu ka kooban yahay afar xubnood waxaanu socdaalkoodu qaadan doonaa muddo sadex cisho ah.”
“Weftiga Md. Maxbuub Macallin waxay mudadda ay socdaalka ku joogaan dalka ay kulamo kala duwan kula yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland, xubno ka mid ah Wasiirrada xukuumadda Somaliland. Waxa kale oo ay booqanayaan machad goboleedka xanaanada xoolaha ee Sheekh, ooh ore ay u maalgelin jireen midowga yurub iyo Afrika waxa imika machad goboleedka culuumta xoolaha la wareegi doona oo maal gelin doona Urur goboleedka IGAD,”ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in maanta markii weftigaasi ay yimaadeen ay kulan kula yeesheen xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, waxaanu yidhi “Waxaan weftigan ku qaabilay xarunta wasaaradda Arrimaha dibada waxaana goob joog ka ahaa Wasiirro ay ka mid ahaayeen Xanaanada xoolaha , Beeraha iyo Ha’yadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan. Waxaan weftiga uga waramay xaaladda Somaliland ee dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshadda waxaanan ka dalbanay inay IGAD gacan siiyaan mashaariicda horumarinta gobolka oo ay ka mid yihiin mashruuca Berbera Coori-door, oo ay ka manaafacaadsanayaan qaar ka mid ah dalalka Urur goboleedkan ku jiraa.”
Wasiirka wuxuu sheegay in weftigu u balan qaadeen in Urur goboleedka IGAD uu kaalin ka geysan doono horumarka ka jira Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Md. Maxbuub Macalin iyo weftigiisu waxay Somaliland u balan qaadeen inay ka qeyb qaadan doonaan horumarka ka jira Somaliland oo ay sheegeen in markii hore Urur goboleedku dibada ka joogay. Waxa kale oo ay sheegeen inay Somaliland ka taageeri doonaan dhinacyada waxbarashada, abaarraha iyo la dagaalanka faqriga.”
Wasiirka Khaarajiga oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida ay u shaqeeyaan xafiisyadii Somaliland ku lahayd dalalka dibadda oo uu isagu hore u dhaliili jiray xil gudashadooda, waxaanu yidhi “Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay magacowday 7 Wakiil oo ka mid ah Wakiiladda Somaliland ee dalalka dibadda. Waxa kale oo aanu wadnaa in miisaaniyad iyo qorshe ay ku shaqeeyaan loo sameeyo wakiiladda taasi oo markii hore dhibaato ka haysan jirtay. Waxa intaasi dheer oo aanu u samaynaynaa qorsheyaashii ay ku hawl geli lahaayeen ee ay Somaliland ku meteli lahaayeen. Waxaanu u samaynaynaa barnaamij hawl fulineed oo ay ku shaqeeyaan.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo la weydiiyay inuu hawl galay Wakiilkii cusbaa ee Somaliland u fadhiyi doona dalka Itoobiya, waxaanu yidhi “Wakiilkii wuxuu imika joogaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa kale oo dalka ku sugan dhawr wakiil oo ka mid ahaa kuwii dhawaan la magacaabay waxaanan Wasaaradda ku siinaynaa siminaar la xidhiidha sidii aanu u wada dejin lahayn qorshihii ay ku shaqayn lahaayeen iyo ee ay wakiil kaga noqonayaan qarankan. Si wasaaradani uga midho dhaliso dedaalka Somaliland ugu jirto qadiyada Ictiraaf raadinta.
Markaa Wakiilkeenii cusbaa ee Itoobiya wuxuu ka mid yahay Wakiiladdan xarunta wasaarada ku sugan waxaanu hawl galayaa markay dhamaystaan hawsha Siminaarka xarunta dhexe ee wasaaradda uga socda.”



