Hargeysa (XOWW) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa xilalkii ay wasaaraddaasi ka hayeen ka qaaday masuuliyiin sarsare.
Masuuliyiinta xilalkii ay hayeen laga qaaday ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Telefishaka Qaranka Axmed Saleebaan (Dhuxul), Agaasimihii Wargeyska Afka Dawladda Ee Dawan Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Agaasimihii Maamulka Lacagta.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Warkanews ayaa waxa uu u dhignaa sidan :
Agaasimihii Telefishanka qaranka Axmed Saleban Dhuxul, oo uu ku bedelay Xuseen Cabdillaahi Deeqsi
Agaasimihii Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo uu ku bedelay Cumar Maxamed Faarax
Agaasimihii maamulka iyo xisaabaadka TV-ga qaranka Xasan Maxamed Maxamuud, oo uu ku bedelay Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, oo ah agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee Radio Hargeysa.
Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu uga gol-leeyahay inay digniinu qoto dad uu ku sheegay faro-kutiris oo uu sheegay inay caadaysteen wiiqitaanka hawlaha wasaarada warfaafinta, waxaanu kala wareejinta xilalkan u xil saaray Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Siciid Aadan Cige oo ah agaasimaha Radioi Hargeysa iyo Mukhtaar Axmed Sheekh, oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta.
Xafiiska Online-ka
Wasaarada Warffinta JSL



