
Burco (WWXO)- Hogaamiyihii S.S.C oo Si Diiran Loogu soo Dhaweeyay Gobolada Togdheer iyo Saraar Iyo Muhiimada Kulankii uu La Qaatay Madaxda Xukuumada.
Hogaamiyaha kooxda S.S.C Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo wefti uu hogaaminayo oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle isla markaan tan iyo xaay ku sugnaa deegaamada Oog iyo Burco ayaa si diiran maanat aloogu soo dhaweeyay magaalada Caynaba e egobolka Saraar taasi oo soo dhaweynt ahogaamiyahhai ay ka qayb qaateen gaadiid iyo dadweyne aad u tira badani iyagoo islamaanta magalaada Caynaba kulan kula qaatay qaar ka tirsan wasiirada xukuumada oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha Gudaha,Wasiirka Madaxtooyada,wasiirka maaliyada,masuuliyiinta Gobolada Togdheer iyo saraar iyo wax garad kaloo tira badan waxaan wejiga hore ee kunkoodu uu ahaa mid ay saxaafadu dibad joog ka ka ahayd.
Markii uu kulankoodaasi soo gabagaboobay ayaa mar ay warbaahinta la hadlayeen masuuliyiintai waxa ay shegeeen in kulankoodu uu ku soo dhamaaday si is afgarad ah.
Hogoomiyaha Kooxda S.S.C saleeban Ciise Axmed (Xagla Toosiye) ayaa dhankiisa sheegay isagu in nabad ku wada noolaansha labada dhinac ay tahay mid muhiima oo loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo waxaanu intaasi ku daray xaglo toosiye in kulankooda maanta ay ka gaadheen guul weyn oo wax ku ool ah.
Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraae Duur oo isaguna halkaasi hadal kooban ka soo jeediayay ayaa sheegay in kulankoodan ay labada dhinacba ka gaadheen guul weyn iyo is afgarad buuxa inta hadhayna ay ku dhamayn doonana wadahadalo sii socon doona mudooyinka soo socda.
Dhinaca kale iyadoo ay labada dhinac ka gaabsadeen inay war baahinta u soo bandhigana waxyaabaha xaqiiqda ah ee ay ka wada hadleen ayaay warar hoose oo la helayaa ay sheegayana in ay ka mid ahaayeen qodobada ay soo bandhigeen weftiga ka timid dhanka buuhoodle in ciidmada Somaliland ee aaga Buuhoodle dib loo soo dhigo iyo in ooda laga qaado maxaabiista u dhalatay deegaankaasi eek u jira xabsiayada Somaliland kuwaasi oo ahaa kuwii lagu qabtay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegamaadasi.
Ugu Danbayntiina ilaa hada ma cada natiijaada rasmiga ka ee ka soo baxday wadahadaalkaasi iyo qodobada hoose ee lagag dooday balse waxa uu kulankani u muuqday mid lagag gaadhay guul buuxda sida ay labada dhinacba qireen.
Xafiiska Online-ka
W.Warfaafinta Iyo Wacyi-gelinta



