You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

06-08-2012-Isniin-Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Ka hadlay Safaarad Denmark ka furanayso Hargeysa

Hargeysa (WWXO):-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dawladda Denmark ay safaarad ka furanayso Magaalada Hargeysa, taasi oo uu tilmaamay inay si rasmi ah shaqadeeda u bilaabmi doonto dhawaan.

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu ka hadlay safaaradan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaa jirta in dalka Denmark uu si rasmi ah ka furtay safaarad taasoo ah guul weyn oo Somaliland waxyaabo badan ka faa’ido doonto kaas oo maantana wakiilkii u fadhiyilahaa Somaliland uu dalka yimi , taas oo ka dambaysay wada hadal iyo booqasho ay labada dal isku arkeen waxayna noo tahay sharaf weyn in maanta saafaaraddan laga furo dalka.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu intaasi ku daray in dalka Norway-na ay dhawaan furan doonaan safaarad tan oo kale ah.

“ Xukuumadda talada haysa oo ay ka go’antahayin ay qadiyadda iyo horumarinta dalka ayaa waxay tanina noqonaysaa horumar ballaadhan oo uu dalka gaadhay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirka arrimhada dibadda Somaliland kale oo uu sheegay in dhawaan dalka Ingiriiskuna ka furan doono safaarad magaalada Hargeysa kaas taas oo wakiilkii loo magacaabayna imandoono dalka Somaliland ayaa ay ku soo badanaya qunsuliyadaha waddamo dhawr ah iyada oo ay tiro-ba jiraan qusaliyadda kala duwan ku waas oo xafiis ahaan u shaqeeya.

 

C/casiis Caydiid Cilmi(yemeni)

Xafiiska Onlin-ka

W.Warfaafinta Iyo Wacyigalinta

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية