You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

17.07.2012.Salaasa. Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Oo Maanta Furay Shirweynihii Labaad Ee Jaaliyada Dibbada Ee Somaliland.

Hargeysa(WWXO):- Waxa maanta si rasmiya Hotelka Ambassaddor ee Magaalada Hargaysi  Uga Furmay Shirweynihii labaad ee jaaliyadaha Somaliland ee Dibadaha .

galay wasiiro ka tirsan xukumada, Masuuliyiinta haayada qurbo-jooga somaliland iyo dadweyne kale
Shirweynahan oo socon doona muddo laba cisho ah waxa ugu hareyntii ka hadlay Guddoomiyaha Haayada Qurbo Jooga Somaliland Maxamuud C/raxmaan Cali ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey shaqada uu xafiiskiisu qaranka u xil-saaran yahay iyo waxyaabaha ay haayad ahaan qabteen muddadii uu xilkeeda hayey.
Kulanka oo ay ka soo qayb-galeen qurbo joog aad u tiro badan oo daafaha dunnida iskaga yimi ayaa waxa hadal u jeediyey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) waxaana uu sheegay in ay qurbo joogu yihiin cududa dhaqaale ee uu dalkani ku tiirsan yahay muddadii labaataanka sanno ahayd ee aynu soo dhaafnay sidaa daraadeedna loo baahan yahay ayuu idhi madaxweyne ku xiggeenku marka sidan oo kale meel laysugu yimaado ay ka soo baxdo wax wakhti dheer lagu hawl galo .
Madaxweyne ku xiggeenka Somaliland waxa uu ugu baaqay qurbo jooga in ay ka shaqeeyaan sidii maalgashiga wadanka layskaga kaashan lahaa loogana midho dhalin lahaa kheyraadka dalka loona abuuri lahaa shaqo abuuris keeni karta in caajisku ka baxo dardar galinta kobaca dhaqaale ee Somaliland
Halka sidoo kalena uu madaxweyne ku xiggeenku kula dar-daarmay qurbo jooga in ay halkaasi ka sii wadaan taageerada dhaqaale ee dalkooda, dadkooda iyo dawladoodaba .
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in qurbo joogu kaalin laxaadle ka qaataan nolol maalmeedka bulshadeena, waxaana uu uga mahadnaqay kaalinta ay ku leeyihiin gacansiga iyo hanaanka bilicda magaalooyinka.

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية