You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

06.06.2012.Arbaca.RAILA ODINGA oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda arimaha debada iyo Madaxtooyada Somaliland.

Ra'iisal wasaaraha Dalka Kenya, MR. RAILA ODINGA Waxa uu maanta 06.06.2012 kulan balaadhan oo ka dhacay Xafiiska ku qaabilay laba wasiir oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland, oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali X. Xasan oo booqasho ku joogay Dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi.

kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Dal iyo dardar gelinta xidhidhka is kaashiga,  nabad-gelyada mandaqada geeska afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qotodada dheer ee labada dal ka xidheeya.

sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen  xidhiidhka isu socodka Safarada Masuuliyiinta Labada dal, iyada oo dhawaan uu dalkaasi Kenya Booqasho ku tegidoono  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Martiqaad Rasmi ah ka helay Ra'iisal Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga, sidoo kalena uu Ra'iisal Wasaare Raila Odinga isna uu booqasho ku iman doono somaliland taas oo xoojinaysa wada shaqaynta iyo is dhexgalka labada Dal.

Xubnaha Kulankan ka qayb galay waxay ahaayeen sidan:-

1. Ra'iisal Wasaraha dalka Kenya, Mudane, Raila Odinga

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada,  Mudane, Xirsi Cali X. Xasan iyo

4. Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir).

 

 

 

Xafiiska Online-ka

Wasaaradda Warfaafinta & Wacyi-gelinta

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية