You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

06.05.2012.Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay wafti kasocda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arriamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.

Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.

Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.

Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية