You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

06.05.2012.Madaxweynaha Somaliland oo Wakiilo u Magacaabay Lix Dal iyo Wakiilka Wareega.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

MADAXWEYNUHU :-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

2. In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

3. In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

4. In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.

5. In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

6. In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

7. In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية