You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

02.02.2012.Khamiis.Al-Khayr Foundation oo Xukuumadda Somaliland ku ammaan u jeedisay.

Hay’adda Samo-falka ka shaqaysa ee Al-Khayr Foundation ayaa Xukuumadda Somaliland ku ammaanay sida ay ugu fududaysay Hawlahooda Shaqo ee ay ka wadaan Dalka Somaliland.

 

 

Hay’adda Samo-falka ka shaqaysa ee Al-khayr oo fadhigeedu yahay wadanka UK, kana hawl-gasha wadamo badan oo dunida daafaheeda ah, ayaa waxa dalka booqasho ku joogay maalmihii u dambeeyay wefti culus oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’adaasi oo markii u horaysay dalka yimi Imam Qaasim.

Intii ay ku sugnaayeen Somaliland waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Waxay sidoo
kale booqasho ku tageen qaar ka mid ah magaalooyinka ay ka wadaan mashaariic dhinaca horumarka ah oo ay ka mid yihiin biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.



Masuuliyiinta ururkani waxay sheegeen inay dalka kala shaqaynayaan horumarinta arrimaha biyo-soo saarka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxay sidoo kale ku ammaaneen xukuumada uu hogaankeeda mayalka u hayo Madaxwayne Siilaanyo fududaynta hawlahooda shaqo. “Waxaan mahad aad ah u naqayaa Ilaahay bay mahadi u sugnaatee Madaxweynaha Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xukuumada ay hogaamiyaan sida ay noogu fududeeyeen hawlahayaga shaqo ee aanu dalka ka wadno, waxa aanu
wadnaa waa horumar, waa kaalmo bini’aadamnimo waa arrin khayriya.
Waxaan ku ammaanayaa oo ay ku kala duwan yihiin xukuumadan iyo tii ka horaysay oo aanu labada la shaqaynay qaabka fududaynta hawlaha shaqo ayaan aad ugu ammaanaya xukuumadan cusub, halka ay xukuumadii hore
wakhti dheer naga lumin jirtay iyada oo aanay waxba noo qabsoomin, waxaan leeyahay ma sugi karo soo noqodkayga, waxaan rajaynayaa in aan soo laabto iyada oo mashaariicdayadu ay dhamaadaan oo aan insha Alaah soo laabto aniga oo sida mashaariic cusub.” Ayuu yidhi Imam Qaasim oo ah Gudoomiyaha Al Khayr Foundation.

Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’ada Al Khayr Foundation Axmed Maxamed Ismaaciil ayaa isaguna ka waramay waxyaabaha ay ka shaqaynayso Hay’adoodu; “Waxaanu ka shaqaynaynaa Dhamaamka oo aad loogu baahan
yahay, biyo xidheenada, caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha bulshada, waxaanay Hay’ada AL Khayr ka hawl-geli doontaa dhamaan hawlahaasi ku saabsan inay ka shaqayn doonaan.”


Xafiiska Online-ka

W/Warfaafinta JSL

 

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية