Burco-(RH)-Xulka gobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland, ka dib markii ay galabta 1-0 eber ku muquuniyeen xulka gobolka Hawd oo ay ciyaartii kama dambaysta iskugu soo baxeen.
Sida ay ku waramayso Wakaalada Wararka ee Solna waxa daawadashada ciyaartan ka soo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Marwada koowaad iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka
Gool qurux badan oo uu bilowgii ciyaarta u dhaliyay xulka gobolka Gobolka Maroodijeex, ciyaar yahanka numberka 18-aad oo la yidhaahdo Cabdi-Riyaad, ayaa xullka Matroodijeex u suurto geliyay inay ku guulaystaan koobkii labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ah.
Ciyaartan waxa kale oo ka soo qeyb galay kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo dadweyne tiro badan oo ka yimid Magaalada Hargeysa kuwaasi oo kala taageeraya labada gobol.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu xulka Gobolka Maroodi jeex gudoon siiyay koobabkii kubaddaha cagta iyo kollayga ee ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socday magaalada Burco oo maanta lagu soo gabogabeeyay garoonka Alamsey ee Burco.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo ciyaartii ka dib hadal ka jeediyay garoonka ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay tartanka ciyaaraha goboladda dalka Madaxweynaha waxaa hadalkiisi ka mid ahaa
xulka gobolka Hawd-na waxa la gudoon siiyay koobkii labaad ee tartanka ciyaaraha goboladda.
halka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo bilado iyo agab kale oo Sport uu gudoonsiiyay xulalkii loo aqoonsaday inay ugu ciyaarta ,akhlaaqda iyo tababarayaashii iyo Garsoorayaashii ugu wanaagsanaa mudadii uu tartanku socday.
Tartankan ayay Xukuumaddu siisay ahmiyad weyn iyadoo uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu si rasmi ah u furay 1-dii bishan Decenbar, iyadoo madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay weheliyaan wasiirro badan iyo marwada koowaadna ay magaalada burco u tageen soo gabogabaynta tartankan .
Sida ay ku soo waramayaan weriyayaashayadu waxaa magaalada Burco weli ka socda xaflado loo samaynayo xulka hantay koobka shanaad ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo ah Gobolka Maroodi jeex.



