You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

18.12.2011.Axad. “Abiib Xasan Filfil iyo qeyrkii-toona loogama fadhiyo in ay wakhtigan ku tiraabaan erayo aan Xiligoodii joogin”.

Hargeysa-(RH)-Xukuumadda Somaliland  waxa ay dedaal adag ka gashay,sidii ay wax uga qaban lahayd mashaqadii arxan-darada ahayd ee ka dhacday deegaanka Seemaal.

ee u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki horaantii bishan aynu ku guda jirno ee Decembar.

 

Bilowgii dhacdadaas Xukuumadu waxay ku talaabsatay talaabooyin muuqda oo ay ku daba gelaysay dhagarqabayaashii falka geystay iyo cid kasta oo lagu tuhmay inay ku lug lahayd arintaasi.

Wufuud xukuumadda ka tirsan ayaa ku gaalaa bixiyay deegaanadaas hawlgalo ay ugu kuur galayaan dhacdadan,isla markaana ay  bulshada walaalaha ah ee ku  wada dhaqan deegaankaas kaga dalbanayeen inay gacan ka geystaan ,sidii loo xakameyn lahaa  saamaynta dhacdadaasi si aanay deegaankaas uga sii hurin colaad sokeeye.

Qormadani waxaay jawaab u tahay hadalo ka soo yeedhay Abiib Xasan Filfil oo ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumaddii hore ee talada lagala wareegay,kuna soo baxay Wargeyska Geeska Afrika Cadadkii 1348-aad ee ku taariikhaysnaa 17/12/2011,taas oo cinwaankeedu ahaa (Wasiir ka tirsan Xukuumaddii hore oo Xukuumada ku dhaliilay dilkii Seemaal iyo sida ay uga hawl gashay)  Abiib Filfil ayaa weedhihiisa waxaa ka mid ahaa tacsi uu u diray xilligan dadkii ehelkoodu ku dhinteen dhacdadaasi Seemaal  muddo haatan ku siman laba todobaad iyo dhaliil aan loo miidaan dayin oo uu la xidhiidhiyay sidii xukuumadu uga hawl gashay dhacdadaasi.

Waxa xusid mudan in aanay xukuumadu ka gaabin xallinta mashaqadaasi,isla markaan aanay jirin wax ay xukuumadu ka hagratay xalinteeda iyo wax ay ku galabsato canbaarayn aan xaqiiqada ku qotomin.

Dareenka bulshada iyo talaabooyinka ilaa haatan xukuumaddu ka qaadatay go’aanada ay xalinta arintaas  ay  u maraysaa dhamaantood waxaa ka marag kacayaan sida ay uga go’an tahay soo afjarida dhacdada Seemaal,sida ka muuqata go’aanada adag ee bar bilowgii dhacdadaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ka qaatay go’aano xalinta dhacdada iyo dadaalka mas’uuliyiinta

Xukuumada ee  u xil saran soo afjaridda mashaqada seemaal ku gudo jiraan dhamaaantood waxay ka tarjumayaan Mawqifka Xukumada ee ku aaddan nabad buuxda oo ka aslaaxda deegaankaasi.

Abiib Xasan Filfil iyo qeyrkii-toona loogama fadhiyo in ay wakhtigan ku tiraabaan eryo aan Xiligoodii joogin oo xajiimayn iyo xagal daacin ku ah nabada.

Xukuumada Somaliland waxay ku taagan tahay wacadkii ay hore ugu maratay in nabadda bulshada Somaliland wax kasta ka horeyso,taasina waa ta ka muuqata tubta ay u martay nabadayntii dhawaan ka dhacday Gobolka sanaag iyo deegaanada kale ee haatan dadaalada nabadayntu ka socdaan.

 

Source: Somaliland News Agency “Solna”

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية