Hargeysa (RH)-Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi , oo hawlo shaqo ku jooga wadanka Itoobiya caasimada Adis-ababa ,ayaa kulamo gooni-gooni ah kula yeeshay madaxda kala duwan ee Dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya .
Sidoo kale waxaa wasiirka xafiiskiisa si weyn ugu qaabilay wasiirka wasaarada gaadiidka ee Ethiopia mudane Dekibaw, wasiirkaas oo ay hoos yimaadaan Ethiopian Civil Aviation Authority iyo Ehtiopian Airline, Wariirku waxa kale oo uu la kulmay Agaasimaha guud ee Ethiopian Civil Aviation Authority mudane Col. Wesenyeleh Hunegnaw, Labada wasiir iyo agaasimaha guud waxay si qoto dheer uga wada hadleen guud ahaan xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.
Sidoo kale waxay masuuliyiintu si fiican uga wada hadleen isku xidhka, iskaashiga ,wax wada qabsiga iyo wada shaqaynta labada wasaaradood. gaar ahaana labada Civil Aviation ee Somaliland iyo Ethiopia.
Ugu danbayn masuuliyiinta wasaarada gaadiidka iyo Civil Aviationka dawladda Ethiopia waxay aqbaleen in ay taageero iyo tababaro siiyaan Civil Aviationka Somaliland.
wuxuu wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu horey safar uu ku tegey wadanka Canada ku soo guulaystey in hawada Somaliland ay noqoto mid madax banaan, safarka wasiirka oo uu ku soo maray dalal badan ayaa ku soo dhamaaday guul buuxda.
Online/Office
W/Warfaafinta



