Laascaanood-Maareeyaha Hay,adda wadooyinka somaliland mudane cabdiwaxid cabdiqaadir cabdiraxman ayaa xadhiga ka jaray dhisme biyo xidheen ah oo loo sameeyay buunadada yagoori waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka iyagoo munaasibadii xadhiga lagaga jarayay ay ka soo qayb galeen cuqaal waxgarad iyo dadweyne fara badan.



